Madaxweyne Gaas oo ku baaqay in loo gurmado deegano Puntland ka tirsan oo duufaani ku dhufatay

November 9, 2015 - Written by Editor

SAWIRKA-MADAXWEYNAHAGaroowe:-Madaxwweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta qeyba heeda kala duwan kula hadlay aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa sheegay in roobab dabaylo wato ay ku dhufteen qeybo ka mid ah Goballada Puntland, saameyn xooglehna geysteen.  Deegaano katirsan Gobalada Bari iyo Gardafuu ayuu madaxweynuhu sheegay in duufaantaasi khashaaro u geysatay , waxaana dumay guryo deegaan ah iyo goobo ganacsi , halka ay go’een wadooyin halbowle u ah isu socodka dadka iyo gaaiidka .

‘’ Sidoo kale dabeylahaasi waxaa ay burburiyeen goobihii loogu shaqeynayayey arrimaha bulshada ,sida goobaha waxbarashada ,caafimaadka iyo xarumihii maamulka ee caluula iyo bareeda ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas .

Wadooyinka Go’ay waxaa kamid ah wadada gasha Qandala , wadada isku xirta Baargaal, Caluula , Bareeda iyo murcanyo , waana wadada loo yaqaan lafa goray oo muhiim u ah dadka deeganadaasi.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa guud ahaan shacabka Puntland ugu baaqay in kaalintooda ay ka qaataan gurmadka loo fidinayo dadka deeganadaasi, iyagoona ku hal qabsanaya halkudhigii  madaxweynaha ee ahaa Puntland ha isku tashato.

‘’ Beesha caalamka waxaan ka codsnaynaa inay taageero ka geystaan baahida dadkaas la soo daristay sida cuntada , hoyga , caafimaadka iyo wixii lamid ah ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn sheegay in Dawladda Puntland dhankeeda qaadanayso waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aadan u kaalmeyta dadka deeganadaasi ee ay saameysay duufaantu .

DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland

 

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online