Run-Way-ga garoonka diyaaradaha Bosaaso oo maanta la Daahfuray.[Video/Masawiro]

November 21, 2015 - Written by Editor

vlcsnap-2015-11-21-13h57m40s129Boosaaso:-Waxaa gabagabo maraya Dhisamaha Garoonka Diyaaraddaha ee caalimaga ee Bossaso ee xarunta Gobolka Bari, garoonka diyaaradaha ee Bandar Qaasim ee Boosaaso ayaa waxaa lagubilaabay maanta daanbur dhigista Run-wayga oo ah halka ay diyaaraddahu ku ordaan.

Shirkadda loo yaqaan CCECC ee dalka China ayaa Dhismaha Garoonka ku haysa gacanta waxaan la filayaa in garoonku uu noqdo mid caalami ah oo dabooli doono baahida ay qabaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha Soomaaliya iyo dibadiisaba.

Munaasibadii Lagu Furayay dhismaha ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Duulista hawada iyo Garoomadda Puntland Xasan Cadd ,wasiiro, Xildhibaano iyo gudoomiyaha gobolka Bari, Gudiga Dhismaha Garoonka Bandar-qaasim.

Agaasimha Garoonka Bosaso Bashiir Muuse C/raxmaan oo ka hadlay Munaasibadii Lagu Furayay dhismaha Run-way-ga ayaa xusay in ay muhiim tahay in shacabka Puntland ay lasocdaan halka uu marayo dhismaha Garoonka Boosaaso oo ah mashruuc aad u mihiim ah.

Dhinaca kale Wasiirka wasaaradda duulista hawada iyo garoomaha Puntland Xasan Cadde ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in dowlada Puntland iyo shacabkeeda oo isku duuban ay si wada jir ah uu socdaan halka uu marayo iyadoo a rajaynatyo inngaroonka bisha soo socota ee December2015 la daahfuro.

no images were found

Hoos ka daawo halka uu  marayo Dhismaha garoonka diyaaradaha ee Bosaaso

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online