Sh.Nuur Baaruud oo ka sheekeynaya qaabkii uu uga badbaaday weerarkii Hotel Saxafi.[Daawo]

November 1, 2015 - Written by Editor

baaruudMuqdisho:- Afhayeenka Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sh.Nuur Baaruud Gurxan kana mid ah Culimada ugu waaweyn ee Soomaaliya ayaa waxaa uu maanta uga badbaaday weerarkii Al-shabaab ay la beegsadeen Hotel saxafi ee magaalada Muqdisho si yaab leh. Sh. Nuur Baaruud Gurxan ayaa waxaa uu ka sheekeeyey qaabka uu u dhacay weerarka isagoo xusay in markii ay Salaadii subax ay tukadeen ka dib maqlay jug weyn oo uu u qaatay in Hotelkii uu u soo dumay isagoo xusay in ragg weerarka fuliyey ay hor yimaadeen qolkii uu Sheekhu ka deganaa Hotelka Dariishaduna ay u furnay.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa sheegay in uu alle ka baryey in haddii waqtigiisa wax uga haray nolashiisa in uu Alle ka badbaadiyo weerarka si uu kuwa diinta ka baxay ee Murtadinta ah iyo kuwa Khawaarijta ah ee dhiiga Islaamka banaystay uu carabkiisa kula dagaalamo.

Sh Nuur Baaruud Gurxan ayaa markii uu ducaystay ka dib waxaa ay dablaydii hor fadhiday qolka uu Sheekhu ka deganaa Hotel Saxafi waxaa ay yiraahdeen kor aan aadno sidaas ayaan Alle iiga badbaadiyey buu yiri Sheekh Nuur.

Hoos ka daawo Sh Nuur Baaruud Gurxan oo ka sheekeynaya weerarkii ka dhacay Hotel Saxafi

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online