Shirka Golaha Wasiirada oo maanta looga hadlay halista Roobabka El Nino

November 5, 2015 - Written by Editor

gole_wasiirMuqdisho:-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulanka shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mudane Maxamed Cumar Carteh, waxaana kulanka looga hadlay qodobo kala duwan oo u badnaa, warbixino laga dhegeystay xubno ka tirsan guddiga gurmadka Abaaraha oo howshiisii u kuurgalista iyo xog uruurinta weli ka sii wada gobolada dalka ee looga cabsi qabo inay waxyeeleyso fatahaadaha iyo roobabka EL NINO iyo sidoo kale, warbixino laga dhegeystay xubno ka tirsan Wasiirada oo safari shaqo ku tagay dalal dibedda ah.

Kulankan ayaa sidoo kale, warbixin dheer looga dhegeystay Wasiirka caafimaadka Marwo Xaawo Xasan Maxamed, waxayna soo bandhigtay warbixino la xiriira waxqabadka wasaaradda, iyo qorshe ku aadan hagaajinta xiriirka Wasaaradda iyo hay’addaha ku shaqada leh caafimaadka ee hoostaga Q/midoobay, waxayna tilmaantay in howlgalo ballaaran oo bani’aadanimo ay ku soo foodleedahay Wasaaradda ayna ku jiraan xaalad diyaar garow ah.
Marwo Xaawo ayaa sidoo kale waxay ka warbixisay mashaariic ay hirgelisay Wasaaradda Caafimaadka, iyo ballanqaadyo ay ka heshay dowladdo iyo hay’addo, kuwaasoo ku aadan taakuleyn caafimaad, waxayna rajo wanaagsan ka muujisay dowladdo ay xiriir la sameysay Wasaaradda.

Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa warbixino ka dhegeystay xubno ka tirsan Wasaaraddaha Arrimaha gudaha iyo caafimaadka oo socdaalo xog uruurin ah ku tagay qeybo ka mid ah gobolada dalka, waxayna tilmaameen in dadka iyo duunyadaba ay halis badan ugu jiraan inay waxyeelo xoogan u geystaan Fatahaadaha iyo toobabka la filayo, waxayna ku taliyeen in la helo raashin iyo agab kale oo lagu gargaaro dadkaasi, haddii ay damcaan inay ka fogaadaan degaanadooda iyo beerahooda, iyo weliba qorshe ka dambeeya haddii Fatahaaduhu dhacaan.

—Dhammaad—–

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online