Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka oo Tababar u soo xirey Saraakiil cusub oo ka tirsan Ciidanka X.D.S

November 5, 2015 - Written by Editor

C360_2015-11-05-12-57-21-097_resizedSaraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa maanta tababar loogu soo xiray magaalada Muqdisho gaar ahaan xerada tababarada ciidanka ee Deegaanka Jasiira.waxana tababarka loo sooxeray 20 sargaal.

Munaasabadii tababarka loogu soo xiray saraakiishan ayaa waxaa ka qeybgalay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya S/Gaas Maxamed Aaden Axmed, saraakiisha howlgalka Midowga Yurub ee tababarka Ciidanka xoogga , AMISOM iyo saraakiisha qeybaha hoggaanada Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.

Taliyaha howlgalka Midowga Yurub ee tababarka Ciidanka Soomaaliya oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Midowga Yurub ay ka go’an tahay taakuleynta ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed,   isagoo sidoo kale balan qaaday in mudooyinka soo socda ay kordhin doonaan taageerada dhanka tababarka ee Ciidanka.

Sareeyo Gaas Maxamed Aaden Axmed Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa u mahadceliyay Midowga Yurub iyo AMISOM kaalinta ay ka qaadanayaan tababarka iyo qalabeynta Ciidanka Xoogga, waxaana uu saraakiisha tababarka dhameystay ku adkeeyay in ay ka faa’ideeystaan xirfadihii ay barteen.

no images were found

“Waxaan u mahad-celiyaan cid walba oo gacan ka geystay tababarka aad qaadateen, waxa la idinku soo xushay ee maanta la idiin saaray mas’uuliyadaas weyn waa difaaca dalkiina Hooyo. Maanta laga bilaabo waxaad tihiin saraakiil ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed, waana in ay idinka muuqataa masuuliyadaas idin saaran” ayuu yiri Taliyaha oo ka hadlayay Munaasabadda.

 

Ugu danbeyn, Saraakiisha Tababarka loo xirey ayaa waxaa shahaadooyin guddoon siiyey Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Aaden Axmed, wuxuna ugu hambalyeeyey sida wanaagsan ee ay uga  soo dhalaaleen tababarkii la siiyey, isagoo u rajeeyey guul iyo horumar.

—-Dhamaad–

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online