Taliyaha Ciidanka oo uga mahadceliyey Safiirka Britain taageerada Ciidanka Xoogga.

November 2, 2015 - Written by Editor

1Taliyaha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/Gaas  Maxamed Aaden Axmed, ayaa kulan kula yeeshan xarunta Safaaradda Great Britain ee magaalada Muqdisho.

Safiirka u fadhiya Soomaaliya Danjire Harriett Mathews. Waxaana ay ka wada hadleen taageerada ay Boqortooyada Ingiriisku  siiso Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed. Iyadoo ay isku afgarteen in la kordhiyo tirada iyo taakuleynta ay siiyaan Ciidanka Xoogga dalka.

Safiiradda ayaa balanqaaday inay bixinayaan Mushaaraadka Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 60aad, iyadoona sidoo kale sheegtay in ay ka qeyb qaadanayaan dib u dhiska Xeryaha Ciidamadda si loo xoojiyo tayada iyo tababarka Ciidanka.

Sidoo kale Danjiruhu waxay ka tacsiyeysay dadkii ku dhintay weerarkii Argagixiso ee Hotel Saxafi, iyadoo u rajeysay inta dhaawaca ahna in ay kasoo kabtaan.

Ugu danbeyntii Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Aaden Axmed ayaa uga mahadceliyey Safiirka iyo Dawladda Britain taageerada ay siinayso dib u dhiska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dadaallada dib-u-dhiska dalka.

Taliyaha oo ka hadlayay wuxuu yiri: “Waxaan Safiirka isku afgaranay sidii ay Britain u xoojin lahayd taageerada ay siiso Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. Waxaan soo dhaweynayaa balanqaadka ay sameysay inagoo rajeynaya in uu hirgeli doono xiliyada dhow ee soo socda”.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa tan iyo intii la magacaabay wadey sidii dib u dhis Xooggan loogu sameyn lahaa Ciidanka X.D.S iyo sidii loo heli lahaa xuquuqda Ciidamadda Qalabka sida.

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online