Wargelin muhiim ah oo ku socda macaamisha sharafta badan ee Tawakal Money Express

November 2, 2015 - Written by Editor

ogeysiis1Waxaan ogeysiinaynaa dhamaan macaamiisha Tawakal Money Express in aanu helnay dhowr fariimood oo ku saabsan emailo & telefono qaldan oo ay helayaan qaar ka mid ah macaamiisheena. Emailadaa iyo Telefanadaa oo isku dayaya in ay ka imaanayaan shirkadda Tawakal Money Express xarumaheeda.

Emailadan oo cinwaankoodu yahay ““Cancellation Request Transaction CMT No. 002075-*** (Ref # 909**)”, Si ay isugu muujiyaan in xiriirkani uu yahay mid sax ah oo la xiriiro arimaha Compliancisga. Haddaba, ujeedada emailadani waa kuwa ahmiyadooda tahay in ay ku helaan xogtaada guud ee computerkaada iyo dhamaan passwordaada nooc waliba ha’ahaadeen.
Ujeedada ugu weyn ee ay kuugu imanayaan emailadani waa in la xado amase la jabsado emailkaaga iyo dhamaan macluumaad kaaga kuu goonida ah sida username, passworka, account numberka iwm. Marka soo diraha uu helo macluumaadkaaga qaaska ah, waxaa suurto gal ah in ay u dhacaan emailkaaga, facebookaaga, bankigaaga, computerkaaga iwm, si ay xogtaada kuugula wadaagaan amase kuu dhacaan.

Tawakal Money Express waxaan kugu wargalinaynaa in:

1. Tawakal Money Express marnaba kuma soo waydiinayso macaamiisheeda macluumaad ku saabsan PIN numbers, password iyo erayada sirta qofka u ah- Marnaba email amase telephone kuguma soo waydiinayso macluumaadkaa shaqsiga ah.

2. Tawakal Money Express MARNABA kuuguma soo dirayso arimaha sharciga iyo lacagaha quseeya (compliance) , iyada oo isticmaalaysa email. Haddii aad hesho email ku saabsan arimahaas oo kaa codsanaya inaad riixdo “Link” amase furto lifaaq “Attachment” waxaa ay kugu wargalinaysaa:

a. Ha furin wax lifaaq ah adiga oo aanan hubin waxa uu yahay lifaaqa.

b. Ha riixin “Linkiga” lagu soo weydiiyay, kaas oo kula aadi kara shabagad xogtaada qaaska ah kaala baxda, iyada oo iska dhigaysa in ay tahay shirkadda Tawakal Money Express.

c. Waxaa suurto gal ah, haddii aad furo lifaaqa “Attachmentiga” amase aad riixdo linkiga, waxaa suurto gal ah in dhamaan computerkaaga lala wareego, amase lala baxo dhamaan wixii xog qaas ah ee aad leedahay.

d. Haddii aad hore furtay lifaaq aadan aqoon waxa soo diray amase aad riixday link, waxa aanu kugu wargalinaynaa:

i. Inaad Badasho dhamaan passwordaada nooc waliba sida:

1. Facebookaaga

2. Bankigaaga

3. Etawakal

4. Emailadaada

5. Iwm

1. Haddii aad ka hesho qof shaqsi email, kaas oo iska dhigayo in uu email kaaga soo diray Tawakal Money Express aadna ka shakido, fadlan wargali xafiiska kuugu dhow ee Tawakal Money Express.

Mahadsanidiin:

Maamulka Tawakal Money Express-Dubai, UAE
Email: info@etawakal.com
etawakal@gmail.com
web site www.etawakal.com

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online