Agaasimaha guud ee madaxtooyada Boosaaso oo lagu dilay magaalada Boosaaso
December 20, 2016 - Written by EditorBoosaaso:-Koox hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ku dilay agaasimaha guud ee madaxtooyada Boosaaso Aadan Gaas xili uu ku sugnaa meel aan saas uga fogeyn Hoteelka Haruuse.
Dilka Agaasimaha ayaa ku soo beegmaya xili kooxda Al-Shabaab ay maalmo ku hor ku dilay magaalada Boosaso taliye ku xigeenkii 3aad ee ciidanka Booliska Puntland oo u dhintay dhaawac ay gaarsiiyeen ,
Kooxda Al-shabaab ayaa in mudo ah waxaa dagaal kala dhexeeyaa Ciidamada Puntland oo dagaalo kale duwan ay ku dhexmareen Buuraha Golis iyo deegaanada Suuj ,Garmaal ,Kulub iyo Garacad oo ciidamada Al-shabaab looga qabtay maxaabiis gaaraysay ilaa 100 ku dhawaad.
Kooxaha Amniyaadka Al-shabaab ayaa maalmahaan dib u bilaabay dilal gaadmo oo aargoosi ah oo ay ku beegsanayaan shaqaalaha iyo Masuuliinta Puntland ee ku sugan deegaanada nabada ah gaar ahaan magaalada xeebta ah ee Boosaaso.
Dhanka kale kooxda Daacish ayaa waxaa ay ciidamada Puntland ku jabiyeen dagaal saf balaaran ah oo ay ku qaadeen Degmada Qandala iyo Buuraleyda ku xeeran kuwaas oo u kala firxaday deegaanada fog ee gobalka Bari.
M_M Deeq
Halgan.net