Ciidamada dowladda Puntland oo la wareegay gacan ku haynta degmada Qandala
December 7, 2016 - Written by EditorBoosaaso:-Ciidamada dowladda Puntland ayaa saaka la wareegay gacanta ku haynta degmada Qandala ee gobolka Bari ka dib markii ay howl galo ay ka wadeen degaamada ku xeeran degmada Qandala ay soo afmeereen. Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta saxaafadda loo qaaday degmada Qandala si ay uga qayb galaan shir jaraa’d oo ay saraakiisha ciidanka Puntland iyo gudoomiyaha Gobolka Bari ay ku qaban doonaa degmada Qandala.
Saraakiisha Ciidanka Puntland ayaa sheegay in firxadkii kooxda Daacish ay u baxsadeen dhinaca buuraha iyo weliba Tog lagu magacaabo Bin Jacayl oo hadda ay ciidamada Puntland hareeraysan yihiin.
Saraakiisha ciidamada ee hogaaminayey howl galka degmada taariihiga ah ee Qandala ayaa waxaa ay dhawaan la hadli doonaa warbaahita waxaan ay u soo bandhigi doonaa khasaaraha ka dhashay howlgalkii ay ciidanka Puntland ka wadeen maalmihii la soo dhaafay degmada Qandala iyo deegaanada ku xeeran.
Wariyaasha ka howl gala magaalada Boosaaso ayaa saaka raacay dooman dheereeya oo ay leeyihiin ciidanka Badda Puntland si ay uga soo waramaan xaalada guud ee degmada Qandala ee deegaanada ku xeeran.
Dhinac kale Ma jiro ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay hogaamiyaasha kooxda Daacish ee dhawaan qabsatay degmada Qandala ee Gobolka Bari.
M_M_Deeq
Halgan.net