Ciidamada Puntland oo howlgalo ka wada deegaanka Afkarin iyo Qandala
December 3, 2016 - Written by EditorBoosaaso:-Wararka naga soo gaaraya gobalka Bari ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay saaka weerar ku qaadeen deegaanka Afkarin iyo Qandala oo ay in mud ah ku dhuumaaleysanayey kooxda Daacish.
Warar hoose oo ay heshay Halgan.net ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay ka hareereeyeen Degmada Qandala dhanka Badda iyo dhulka waxaana ka socda howlgalo ka dhan ah kooxda Daacish sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Taliska ciidamada Difaaca ee Puntland .
Sarkaal ka tirsan ciidanka Puntland ayaa sheegay in ay jabiyeen kooxda Daacish wuxuuna sheegay in ay maxaabiis qabteen .
Isgaarsiinta Deegaanada ku dhow Qandala ayaa hawada ka maqan waxaana deegaanka Afkarin ku sugan haatan cutubyo ka tirsan ciidanka Puntland .
Ciidamada Ciidmada PSF , Daraawiisha iyo PIA ayaa iyaga oo lugeynaya ka gudbay shalay deegaano ka tirsan gobalka Bari iyaga oo ku sii jeeda Degmada Qandala waxaana si diiran u soo dhaweynayey shacabka ku dhaqan gobalka Bari.
Wixii warar ah ee ka soo kordha howlgalada ka socda deegaanada ku dhow Degmada Qandala kala soco Halgan.net.
M_M Deeq
Halgan.net