Ciidanka Puntland oo Raaf ka wada magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.[Dhageyso]

December 26, 2016 - Written by Editor

raaafBoosaaso:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa sheegaya ka dib markii ciidanka amaanka Boosaaso uu ku fashilmay qabashada xubo ka tirsan ururka Al-shabaab oo ku dilay magaalada Boosaaso 3 masuul oo ka tirsan Puntland in ay raaf xoogan ku hayaan dadka shacabka ah ee aan u dhalan magaalada Boosaaso.

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa waxaa ka ganacsada dadweyne Soomaaliyeed oo ka kala yimid goballada dalka oo dhan kuwaas oo soo dhaweyn kala kulmay shacabka Boosaaso balse markii ay dhacaan dilal qorsheysan ayaa waxaa raaf aan kala har lahayn u geysta ciidanka Puntland kuwaas oo ku fashimay sugida amaanka Boosaaso.

Dadweyne kor u dhaafay 500 ayaa waxaa lagu xiray Saldhigayada magaalada Boosaaso kuwaas oo lagu soo deynayo lacago madax furasho ah oo aysan awoodin dadka masaakiinta ee ka xamaasha magaalada Boosaaso. Ilo wareed lagu kalsoon yahay oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa u sheegay Halgan.net in raaf xooggan uu ka socodo magaalada Boosaaso waxaana raafkaas dhibaato ay ka soo gaartay dadka aan u dhalan magaalada Boosaaso kuwaas oo aysan kala sooceyn ciidanku.

Madaxda Puntland ayaa waxaa ka soo hartay waa baareynaa ,waa daba joognaa iyo tacsi dirid taas oo shacabka ku dhaqan deegaanada Puntland la yaaban yihiin. Madaxweyne kuxigeenka Puntland ahna Kusimaha Madaxweynaha Eng Cabdixakiim Camay ayaa ku faanay in boqolaal qof ay ku qabteen magaalada Boosaaso ayna baaritaano ku wadaan .

Waxgaradka iyo Issimada gobalka Bari ayaa ku eedeeyey Maamulka Puntland in aysan waxba ka qaban dilalka qorsheynsan ee lagu hayo haldoor bulshada ku dhaqan Puntland waxaana ay ugu baaqeen in dowladu ay ka soo baxdo waajibkii loo doortay.

Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xarago oo la hadlay maanta warbaahinta magaalada Boosaaso ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dilalka qorsheyn ee ka dhacaya Boosaaso maalin cad aysan ciidanka waxba ka  qaban wuxuuna eedeyn u jeediyey masuuliinta gobalka Bari  iyo kan Degmada wuxuuna ka digay raafka dadweynaha aan waxba galabsan.

Hoos Ka Dhageyso Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xarago oo eedeeyey Maamulka iyo saraakiisha Puntland.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online