Gawaari xamuul ah oo ku xaniban waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug

December 24, 2016 - Written by Editor

xamulGaalkacyo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya in ku dhawaad 100 gaari ay ku xaniban yihiin waqooyiga magaalada Gaalkacyo .

Gawaarida Xamuulka ah ayaa waxaa ay ka kala yimaadeen Koonfurta Soomaaliya qaar ka mid ahna waxay Xamuul ka soo qaadeen Degmada magaalada Ganacsiga Puntland ee Boosaaso.

Gawaarida ayaa dhamaan waxay ku wada xaniban yihiin Kantaroolka Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo  ka dib markii ay Puntland diiday inay gawaarida isaga  gudbaan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Ganacsatada Soomaaliyeed oo ay u raran yihiin gawaarida ku xaniban waqooyiga magaalada Gaalkacyo  ayaa aad uga xun in ay xanibmeen ganacsigoodii qaar ka mid ah gawaarida oo sida xamuul culus ayaa waxaa ka banjaray taayirada ka dib markii mudo ka badan 7 bari ay taagnaayeen .

Ilo wareed lagu kalsoon yahay oo ay la xiriirtay Halgan.net ayaa sheegaya in uu jiro khilaaf ka dhex jira Maamulka Puntland kaas salka ku haya gawaarida ka imaneysa Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya in ay ka soo gudbaan Gaalkacyo waxaana soo baxaya warar iska horimaanaya oo ay ku hadlayaan madaxada iyo saraakiisha ciidanka Puntland.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online