Madaxweynaha Puntland oo Ka Qayb galay baaq ay ka soo saareen Madasha Qaranku Abaaraha ka Jira Soomaaliya.

December 21, 2016 - Written by Editor

gaas1Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u jooga caasimada Soomaaliya ayaa shalay gelinkii danbe 20 December 2016 ka qayb galay baaq ay ka jeediyeen madasha wada tashiga qaran abaaraha baaxadaleh ee ka jirah Soomaaliya, isla markaana lagaga dhawaaqay gudi heer qaran ah oo ka shaqyn doona gurmadka abaraha.

Shirkan ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay Madaxweynaha Dawladda fadaraalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, madaxda maamul goboleedyada dalka iyo beesha caalamka.

Ugu horayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku hadlaya afka maamul goboleedyada dalka ayaa baaq ka jeediyey abaaraha baaxadaleh ee ka jira Soomaaliya waxaana uu ku dheeraday madaxweynuhu muhiimada ay leedahay in ladareemo dhibaatada haysata dadka Soomaaliyeed ee baarahu saameeyeen,sidoo kalena waxa uu baaq udiray ummada Soomaliyeed, beesha caalamka iyo cid kasta oo gacan ka gaysan karta garmadka loo fidinaayo dadka abaaruhu halakeeyeen.

‘’Runtii nasiib wanaag baynoo tahay in maanta madaxdii dalka oo isu yimi iyo beeshii caalamka oo ku dhan halkan inaanu ka jeedino baaq, baaqaas oo aanu u jeedinayno dad weynaha Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan, beesha caalmka iyo cidkasta oo gacan ka gaysan karta abaaraha baaxadaleh ee ka jira dalka, runtii abaartani waa abaar aad u culus marka loo eego xadka iyo baaxada ay leedahay, sidaan wada ognahayna meelaha qarkood waxaa ka da’y roob waa illahay mahadii, xaqiiq meelaha qaar waxaa ka jirta abaar aad u daran oo waxay maraysaa in xoolihii baxaan dadkuna macaluul la ildaran yihiin illahay haynagasaaro abaarta raxmadiisana aynoogu bedelo’’ ayuu yiri madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Sidoo kale waxaa isaguna ka hadlay baaqa ay madasha qaran ka jeedisey abaaraha baaxadale ee ka jira Soomaaliya Madaxweynaha Dawladda Fadaraalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud waxaana uu baaq u diray ummada soomaaliyeed, haa’yadaha samafalka bini aadantinimo iyo cid kasta oo gacan ka gaysan karta gurmadka loo fidinaayo dadka abaaruhu saameeyeen.

Dhinaca kale madasha wada tashiga qaran ayaa hirgelisey gudi kashaqayn doona hawlaha iyo dardar gelinta gurmadka abaaraha, waxa ayna gudigi isku jirtan xuno metelaya dawlada fadaralka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada Dalka.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigiisa ee ku sugan magaalada muqdisho ayaa waxa ay madasha lawadageen in shir lagayeesho abaaraha baaxadaleh ee ka jira Soomaaliya si wax loogu qabto dadka abaaruhu sameyeen, talo iyo xogo badan ay u gudbiyeen madaxweynaha iyo weftigiisu masuuliyiinta kale ee madasha ayaa keentay in baaaqan laga jeediyo abaaraha baaxadaleh ee ka jira Soomaaliya si loogu gurmado shacabka Soomaaliyeed ee ay wax yeelaysay abaartu.

–DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYI-GELINTA HIDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
December 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online