Madaxweynaha Puntland oo tacsi u diray ehelada G/dhexe Jamac Saxardiid Axmed

December 16, 2016 - Written by Editor

gaasMadaxweynaha Dawladda puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 16 December 2016 waxa uu tacsi u diray isagoo ku hadlaya   afka  goloyaasha kala duwan ee Dawladda puntland iyo kan shacabka Puntland  qayskii, qaraabadii iyo qaran kii uu ka baxay taliye ku xigeenka 2aad ee ciidanka booliska  Puntland  gaashaanle sare Jamac Saxardiid Axmed,

Alleh haw naxariistee Sareeyey guuto Jamac saxardii Axmed ayaa waxa malinimadii shalay weerar shirqoolan ku soo qaaday dabley  hubaysan isagoo ku guda jira shaqadiisa, waxaana uu maanta ku geeriyoodey cisbitaalka weyn ee magaalada boosaaso,

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas isagoo ku hadlaya afka Dawlada Puntland iyo kan shacabka Puntland  ayaa waxa uu tacsi u dirayaa qoyskii qarabadii iyo qaran kii uu ka baxay taliye ku xigeenka labaad ee ciidanka dawladda Puntland  jamac saxardiid Axmed.

‘’ inaalilaah wa inaa ilayhi raajucuun alleh haw naxariisto taliye Jamac Saxardiid Axmed, waxa uu ahaa nin kasoo baxa shaqadiisa, laguna yaqaaney shaqo wanaag, waxaan uga tacsiyaynayaa dhaman cidamada Dawladda Puntland, shacabka Puntland, qoyskii iyo qarabadii u ka baxay marxuunku, waxaan isgana illahay uga baryayaa inuu unaxariisto denbigiisana dhaafo’’ ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda puntland Dr. Cabdiweli Maxamed cali Gaas.

Ugu danabay Madaxweynaha Dawadda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  waxa uu si gaara tacsi ugu dirayaa, qaskii iyo ciyaalkii uu ka tegey alleh hawnaxariistee  marxuun Sareeye Guuto Jamac Saxardiid Axmed.

–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA HIDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND .

Leave a comment

*

Archives
December 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online