Madaxweyne Gaas oo ka tacsi-yeeyey dilkii Xeer Ilaaliyihii guud ee Maxkamadda Ciidamada Puntland.

December 26, 2016 - Written by Editor

gaas (1)Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay howlo shaqo u joogaan magaalada Muqdisho ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan shacabka Puntland iyo ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay xeer ilaaliyihii guud ee maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Dawladda Puntland Cabdikariim Xasan Firdhiye oo kooxda arga-gixisada ah ee Al-shabaab ay ku toogteen magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xeer ilaaliyuhu uu ahaa xubin muhiim ah oo ka baxday Dawladda iyo shacabka Puntland isla markaana u hayay shaqo adag oo muhiim u ah nidaamka Dawliga ah.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale sheegay in dhamaan laamaha amniga ee Dawladda Puntland ay gacan bir ah kusoo qaban doonaan kooxihii fuliyay dilalkii loo gaystay alle ha u naxariistee xeer ilaaliyihii guud ee maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Dawladda Puntland Cabdikariim Xasan Firdhiye iyo agaasimihii madaxtooyada Boosaaso Aadan Gaas Huruuse, isla markaana dhagar qabayaasha Al-shabaab ee dilalkaasi fuliyay sharciga la hor keeni doono.

Ugu danbayn, Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay guud ahaan shacabka Puntland gaar ahaan bulshada gobolka Bari inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah meelna uga soo wada jeestaan cadowga Puntland oo arga-gixisada Al-shabaab ay ka mid yihiin. isla markaana ay la shaqeeyaan laamaha amniga sidoo kalena ay iska hubiyaan cid kasta oo kusoo dhex dhuumanaysa.

–DHAMMAAD–
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
December 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online