Mu’assasada Al-minhaaj faraca Gobolka Bari oo magaalada Boosaaso ka bilowdey olole dacwadeed.[Masawiro]
December 3, 2016 - Written by EditorBoosaaso:-Mu’asasada Minhaaj G.bari ayaa waxay ka bilowday gudaha Magaalada Boosaso Olole Dacwadeed.Ololahaan oo u jeedkiisu ahaa wacyigelinta Bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa waxaa ka mid ahaa Howihii la qabtay:-
1- Kalimado laga soo jeediyey 12 Iskool.
2-Dacwada Shaarciyo Lix ah.
3-Toban Muxaadarooyin guud.
Ololahan oo ahaa kii Saddexaad ee Mu,asasada Minhaaj faraca Gobolka Bari Abaabusho ayaa Waxaa looga Hadlayey ‘Saamaynta Macaasidu Bulshada Ku leedahay.
Xamladan oo Wajigeeda Kowaad waxay ku saabsanayd ‘Dulmiga iyo Dhibaatooyinkiisa’ ayaa Waxaa Ka Mid ahaa howlihii la qabtay Nadwo kooban oo ka dhacdey Masjidka “Darayle “ee Ku Yaal Suuuqa Weyn Magaalada Boosaso.
Nadwadan Waxaa muxaadaraad ka soo jeedinayey Sh.Axmed Dahir Sh.Maxamed Macalin Axmed.Culimadu Guud ahaan Waxaa ay bulshada u qeexeen noocyada dulmiga ,qaababka uu u dhaco iyo raadka xun ee uu reebo waxay ka digeen dhulmiga qaybihiisa oo dhan. Waxaa kale oo habeenkii jimcada ahayd baxay Muxaadarooyin dhowr oo ka lagu kala qabtay Masaajidda magaalada.
no images were found
Sikastaba ha ahaatee ololahan ayaa ku soo beegmay Xilli ay ka jiraan Abaaro ba,an guud ahaan Deegaanada Soomaaliyeed taas oo loo Sababaynayo Dhulmiga iyo Macaasida. Ugu danbayntii Ololahan Dacwadeed oo Wajigiisii Hore aayaa la soo Gabagabeeyey Asbuucan waxaan qorashe dacwadeedkaan uu socon doonaa mudo bil ah.
Mu’assasada Al-minhaaj
Boosaaso, Halgan.net