Puntland oo saxaafadda u soo bandhigtay qaabkii ay dib ugu qabsadeen degmada Qandala.[Cod/Maswiro]

December 7, 2016 - Written by Editor

img_9708Qandala:-Taliye Ku Xigeenka Labaad ee Ciiidanka Daraawiishta dowladda Puntland Cabdi Axmed Caashi oo lagu Naynaaso Bro oo Hogaaminaya Ciidanka Daraawiishata Puntland ee Qandala Qabsaday ayaa waxaa uu caawa waraysi gaar ah siiyey Radio Daljir isagoo sheegay in dagaalka ay guul ka gaareen.

Taliye Ku Xigeenka Labaad ee Ciiidanka Daraawiishta dowladda Puntland Cabdi Axmed Caashi ayaa xusay in ay dagaalyahanada Daaicsh ay ka dileen 30 xubnood waxaan uu ku nuux nuux saday in saxaafadda ay u soo bandhigi doonaa agab kale duwan goobaha ay u baxeen ay la socdaan ayna ku bixi doonaa ciidanka Puntland oo kaashanaya shacabka ku nool deegaanka ku xeeran Qandala.

Taliye Ku Xigeenka Labaad ee Ciiidanka Daraawiishta dowladda Puntland Cabdi Axmed Caashi ayaa beeniyey in wax ciidamo ajnabi ah ay gacan siinayeen ciidanka Puntland waxaan uu ugu baaqay shacabkii ka qaxay degmada Qandala in ay dib ugu soo laabtaan.

Ciidamada Puntland oo ka kooban ciidamada daraawiishata iyo kuwa badda PSF ayaa si rasmi ah maanta dib ula wareegay degmada Qandala oo maalmihi danbe ay dagaalo kale duwan ay deeganada ku xeeran ku dhexmareen ciidamada Puntland iyo kooxda Daaicsh oo magaalada Qandala qabsatay 26-kii Bishii October 2016.

Cidamada Puntland ee howl galka ka fulyey degmada Qandala ayaa waxaa la socday masuuliyiin a tirsan dowladda Puntaldn waxaan a mid ahaa Wasiirka Qarsheynta Dowlada Puntland, Shire Xaaji Faarax Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed waceys Dhado, Wasiir ku xigeenka Ganacsiga Puntand, Wasiirka Cadaaladda Puntland ,Duqa Qandala Gudoomiyihii hore ee gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan iyo masuuliyiin kale duwan.

Hoos ka Dhagayso waraysi Radio Daljir ay la yeesheen Taliye Ku Xigeenka Labaad ee Ciiidanka Daraawiishta dowladda Puntland Cabdi Axmed Caashi

[audio: http://radiodaljir.com//resources3/files/Waraysi%2B%20Qandala%2BTaliye%20Xigeenka%20Ciidanka%20Darawiishta%20Puntland.mp3]

Halkaan ka Dhagayso MP3

Leave a comment

*

Archives
December 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online