Ra’isul Wasaare Sharmaake oo kulan la qaatay Xildhibaanada 2-da Aqal ee laga soo doortay Gal-Mudug.[Masawiro]

December 30, 2016 - Written by Editor

img_3232Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka ah ee  Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa  kulan la qaatay Xildhibaanadda labada Golle ee dhawaan laga soo doortay deegaanadda Gal-Mudug, waxana uu raiisul wasaaruhu ka codsaday Xildhibaanadda in ay taageeraan barnaamijkiisa Siyaasadeed maadama uu kamid yahay Murashaxiinta u taagan xilka Madaxweynaja Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Qaar kamid ah Xildhibaanadda laga soo doortay Galmudug oo kamid yihiin Mudane C/Waaxid Cilmi Cumar (Goonjeex),  Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid),  Mudane Axmed Macalin Faqi oo dhammaantood kamid ah Xubnaha labada Golle  oo madasha hadallo ka jeediyey ayaa taageeray barnaamijka siyaasadeed ee murashax Sharmaarke.

Mudane Cumar ayaa u hambalyeeyey Xildhibaanadda la soo doortay, isagoo hoosta ka xariiqay in dalka uu horumar ballaaran gaarsiin doono haddii uu helo kalsoonida Xildhibaanadda.

Wuxuna dhinaca kale ku dheeraaday howlihii kala duwanaa ee u soo qabsoomay intii uu hayay xilalka Qaranka. Isla markaana uu inta harsan horey usii dhamaystiri doono, iyadoo la tashi guud iyo aragti mideysan lala sameynayo dhinacyada Siyaasadda iyo bulshada Soomaaliyeed. Musharax Cumar Cabdirashiid ayaa horey kulan noocan oo kale la soo qaatay xildhibaanada labad gole ee maamulada Puntland iyo Jubbland.

———–DHAMAAD————

Leave a comment

*

Archives
December 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online