Sh Maxamed Aden Waadi oo Safar Dacwo ku maraya dalka Mozambique gaar ahaan magaalada Nampula

December 14, 2016 - Written by Editor

img-20161214-wa0024Nampula:-Magaalada Nampula waxay ku taalaa Waqooyiga Dalka Mozambique waxayna u jirtaa Maputo 2000 Km Iyo Wax Ka badan Waxaa Degan Soomaali Ganacsato Ah Iyo dad U Shaqeeya Oo Dhalinyaro Ah oo Ku Dhaw Isku Darkooda Ilaa 1000 Waxaa Degan Qoyasas Xoogaa Ah, Dadka Deegaanka Degan Ee Wadanka U Dhashay Waa Muslimiin Tira Ahaan ilaa 60 Boqolkiiba Ayaa Gobolka La gaarsiiyaa,

Waxaa kaloo Magaalada Degan Oo Ay Soo Jiidatay Dad U Dhashay Wadamada Galbeedka Afrika Sida Gini, Maali, Nayjeeriyaan Iyo Kuwo Kale Oo Muslim U Badan Tiro Iyo Dhaqaalaba Ku Haysta Kana Shaqeesta Dukaamada Dharka Iyo Dhagaxaanta Qaaliga oo Gobolkan Aad Looga Helo.

Soomaalida waxay ku Leeyihiin Masjid Wayn oo Sedex Dabaq ah Oo Muslimiinta Oo dhan Ku Tukadaan Waxaana Maamula Soomaalida oo dhistay waxaana maamulka Gacanta Ku Haaya Gudi Ay Jaaliyada Iska Soo Dhex Saartay.

Waxaa kaloo jira Magaalada oo Nus milyoon ay degan yihiin Masaajido ilaa 10 Ka Badan Inkastoo Qaar Ay Yar yaryihiin, Waxaana hada Gacanta laga Qaaday Masjid Maaliyaanka Ay dhisteen, Waxaana Gacanta Lagu Hayaa Labo Masjid Oo Gini Dadka U Dhashay Ay dhisayaan, Masjidka Soomaalida Waxaa Uu ku Yaalaa Meel Istaaraatiji Ah Oo Bartmaha Suuqa.

Salaad Kastana Boqolaal Ayaa Ku Soo Tukada Isugu Jira Soomaali, Muslimiinta Wadanka Iyo Galbeedka afrika Kuwo U Dhashay.

Soomaalida Xiriir fiican Ayay La leeyihiin Muslimiinta Wayna Caawiyaan, Dhawaan Waxaa Dayactir Iyo Balaarin Iyo u Aasasid Dukaamo U Sameeyay Masjid Wayn Oo ay Maamulaan Dadka Wadanka U Dhashay nin Ganacsade Soomaali ah.

Intii Aan Joogay waxaan Galay Sedex Muxaadaro Iyo Nadwo Labo Habeen Socotay oo Aan wada Galnay Culimada Kale Ee Soomaalida Ah, Iyo Kalimaad Aroortii Ah oo Gaagaaban.

Waana Markii Sedexaad Oo Aan Soo Booqdo Waxay leeyihiin Gudi Dacwo Oo Masjidka iyo dacwada Maamula, Waxaa Talada Masjid In Ay Aasaastaan Lahaa Oo Allah Uu Ku Anfacay Sh. MAXAMED Umal Oo Soo Maray 2007dii Sheekha Oo U Socday Koofur Afrika, Waxii Maalinkaa Ka Danbeeyay Waxay U Hoolgaleen Aasaasida Masjidka Oo Sharci Ahaan Iyo dhisme Ahaan Mudo Qaatay Waxayna Ay Ku Guulaysteen In Aasaasan Masjidka 3 Sano Gudahood.

Ka Dib Khilaafaad Iyo Isqabqabsi Ka Bilaabmay Jaaliyada Ayaa Khilaafkii Waxaa Uu Lugaha La Soo Galay Masjidka, Allah Mahadii Sanadkii Hore Bilowgiisa Janaayo Wafdi Uu Hogaaminaayay Sheekh Umal Oo Uu Ka Mid Ahaa Sheekh Abdiqaadir Boobe Sheekh Xudayfe Iyo Aniga Ayaa Ku Guulaystay In Khilaafkii La xaliyo, Khilaafkaa Oo Meel Xun Gaaray, 15 Casho Oo Garnaqsi Iyo Niqaash Allah Waa Nagu Guuleeyay Dadka Nampuulana Si Fiican Ayay Noola Shaqeeyeen Oo Khilaafkoodii U Xaliyeen.

Ilaa Hadana Waxaa Shaqeeya Labo Gudi Oo Masjidka Maamula Gudiga Masjidka Oo Qaabilsan horumarintiisa Qarashaadkiisa Iyo barnaamijkiisa Dhaqaale Iyo Gudi Dacwo Oo Si wacan U Shaqeeya Intii La dhisay Qaabilsana Arimaha Dacwada Masjidka.

Waxaana magaalada Booqasho Ku Yimid Culima Kala Duwan Marka Laga Reebo Ragaan Soo Sheegay Waxaana Ka Mid Ah
Sh MAXAMED idriis Iyo Shekh Abdirisaaq Mowlanaa, Sheekh Cabdullahi Baashi, Sheekh Fu,aad Afloow Iyo Sheekh Mukhtaar Carab Iyo Rag Kale .

Habeenkii Ay Talaadada Soo Galaysay Waxaan Kulan Balaaran La Yeeshay Dhalinyarada Magaalada Nampula Ee Dalka Muzanbiik, Kulankaa Oo Ka Dhacay Qaybta Sare Ee Masjidka Abuubakar Sadiiq Waxaa Uu Ahaa Mid Qabsoomidiisa Uu Ka Soo Shaqeeyay Ustaad Sayid Cumar Aadan Geelle Iyo Dhalinyaro Kale, Warbixin Iyo Kalimad Baraarujin Ah Ayaan La Wadaagay Ayadoo Aan Dib U Balanay Kulamo Kale Inta Aan Jooga Insha Allah.

Waxayna Ahaayeen Dhalinyaro Dhamantood Ka Shaqaysta Wadankan Islamarkaana U Diyaarsan Wax U Qabshada Jaaliyadooda Soomaalida Ee Musambiik Iyo Dalkii Hooyaba, Tirada Ka Soo Qaybgashay Waxay Ahayeen 56 Qof.

Waxaana Ku Taalo Hal Madraso Oo Arday Soomaali Ah Iyo Arday Kale Oo Muslimiinta Wadanka Iyo Kuwa Galbeedka Afrikaba Dhigtaan Oo Uu Maamule Iyo Maclimba Ka Yahay Sh.Aadam Xirsi Oo Ah Mas,uulka Dacwada Iyo Imaamka Masjidka Abuubakar ee Soomaalida.

Maxamed Aadan Cabdile Waadi
Halgan.net Nampula, Mosambeque

Leave a comment

*

Archives
December 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online