Xeer ilaaliyihii maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland oo lagu dilay Boosaaso
December 25, 2016 - Written by EditorBoosaaso:-Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa sheegaya in xeer ilaaliyihii maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland Cabdikariim Xassan Firdhiye lagu dilay magaalada Boosaaso gaar ahaan agagaarka maxkamada ciidamada qalabka sida oo ku taal bartamaha Magaalada Bosaaso oo ku dhow Saldhiga Bartamaha Bosaaso.
Ciidamada ku suganaa Saldhiga Bartamaha Bosaaso ayaa wax dhaqdhaqaaqa sameyn ka dib dilkii Xeer ilaaliyaha waxaana ragii dilay xeer ilaaliyaha eryaday Haween iyo Ciyaal kuwaas oo ay xabado isaga reebeen.
Waa masuulkii saddexaad ee wax ka yar labo todobaad si bareera loogu dilo bartamaha Magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari waxaana taas ay ku tusinaysaa habacsanaanta iyo digtooni la,aanta heysa Masuuliinta Puntland .
Al-Shabaab ayaa dad aad u badan ku dilay magaalada Boosaaso waxaan ugu danbeeyey taliye ku-xigeenkii sadexaad ee ciidamada Booliska iyo Agaasimihii Madaxtooyada Bosaaso oo ilaa haatan aan cidna loo soo qaban.
Markii uu talada xukum la wareegay Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu xabsida ku yaal Garoowe iyo Boosaaso uu ka sii daayey rag lagu tuhunsanaa in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.
M_M Deeq
Halgan.net