Xeer ilaaliyihii maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland oo lagu dilay Boosaaso

December 25, 2016 - Written by Editor

firdhiye11Boosaaso:-Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa sheegaya in xeer ilaaliyihii maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland Cabdikariim Xassan Firdhiye lagu dilay magaalada Boosaaso gaar ahaan agagaarka maxkamada ciidamada qalabka sida oo ku taal bartamaha Magaalada Bosaaso  oo ku dhow Saldhiga Bartamaha Bosaaso.

Ciidamada ku suganaa Saldhiga Bartamaha Bosaaso ayaa wax dhaqdhaqaaqa sameyn ka dib dilkii Xeer ilaaliyaha waxaana ragii dilay xeer ilaaliyaha eryaday Haween iyo Ciyaal kuwaas oo ay xabado isaga reebeen.

Waa masuulkii saddexaad ee wax ka yar labo todobaad si bareera loogu dilo bartamaha Magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari waxaana taas ay ku tusinaysaa habacsanaanta iyo digtooni la,aanta heysa Masuuliinta Puntland .

Al-Shabaab ayaa dad aad u badan ku dilay magaalada Boosaaso waxaan ugu danbeeyey  taliye ku-xigeenkii sadexaad ee ciidamada Booliska iyo Agaasimihii Madaxtooyada Bosaaso oo ilaa haatan aan cidna loo soo qaban.

Markii uu talada xukum la wareegay Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu xabsida ku yaal Garoowe iyo Boosaaso uu ka sii daayey rag lagu tuhunsanaa in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online