Kusimaha Taliyaha Ciidanka Booliska 18 Askari ayaa nooga dhintay qaraxii saaka.[Dhagayso]
December 14, 2017 - Written by EditorMuqdisho:-Ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska, ahna taliye ku xigeenka Booliska Dowladda federalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa waxaa ka warbixiyey qarax saaka lala beegsaday xarunta Dugsiga Tababarka ciidanka ee Jen.Kaahiye.
Taliye Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa waxaa uu sheegay in qarax lala eegtay xarunta Dugsiga Tababarka ciidanka ee Jen.Kaahiye ayaa sheegay in 17 askari ay ku dhinteen halka 15 askari oo kale ay ku dhaawacmeen.
Ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska, ahna taliye ku xigeenka Booliska DFS Sarreeye Guuto Mukhtaar Xuseen ayaa sheegay in qofka is qarxiyey uusan ka tirsanatwe ciidnka Booliska balse uu soo dhex galay xerada xili ay askartu mashquul ahaayeen ka dib uu isku dhex qarxiyey.
Hoos ka Dhagayso shira jaraa’id ee uu qabtay Ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska, ahna taliye ku xigeenka Booliska Dowladda federalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Mukhtaar Xuseen.
Source codka Radio Dalsan
M_M_Deeq
Halgan.net