Taliyaha guud ee ciidanka DFS Cabdiweli Jaamac Gorod oo booqday xerada 54aad ee Garoowe.[Masawiro]
December 12, 2017 - Written by EditorGaroowe:-Taliyaha guud ee ciidanka Dowladd Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Jaamac Gorod oo shalay soo gaaray magaalada Garoowe ayaa saaka booqday xerada 54 ee cidanka daraawiishta Puntland, Taliye Gorod oo ay la socdaan saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda federaalka Somaaliya iyo kuwa Puntland ayaa waxaa ay salaan sharaf ka qaateen ciidanka daraawishta Puntland ee ku sugnaa Xerada 54 aad.
Taliyaha guud ee ciidanka difaaca dowladda Puntland General Siciid Maxamed Xirsi ayaa waxaa uu aad uga mahad celiyey booqashada uu Taliyaha guud ee ciidanka dowladd Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Jaamac Gorod uu ku yimid magaalada Garoowe.
Taliyaha guud ee ciidanka difaaca dowladda Puntland General Siciid Maxamed Xirsi ayaa sheegay in dowladda Puntland iyo shacabkeeduba ay u taagan yihiin siddii dalka Soomaaliya looga dhisi lahaa dowlad rasmi ah iyp weliba cidamada qaranka Soomaaliya ee si loo soo celiyey nabadgelyada guud ee dalka Soomaaliya.
no images were found
Dhinac kale Taliyaha guud ee ciidanka Dowladd Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa ku amaanay Puntland nabad gelyada buuxa ee ka jirta isagoona ku amaanay ciidanka Puntland sidda wanaagsan ee ay u sugeen amaanka guud ee Puntland waxaana uu ku bogaadiyey dagaalka ay ciidanka amniga Puntlands ay kula jiraan uruka Al-shabaab iyo Daaicsh.
M_M_Deeq
Halgan.net