Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo ka hor-yimid go’aankii Maxkamadda Gobolka Banaadir (Dhageyso)
December 21, 2017 - Written by EditorXeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa ka hor-yimid go’aankii Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir uu ku siidaayey C/raxmaan C/shakuur Warsame ay ku soo eedeysay Xafiiska Xeer Ilaalinta oo ahaa fal dambiyeed qiyaano qaran iyo duminta DFS.
Dr. Axmed Cali Dahir Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa wuxuuna sheegay in go’aanka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir uu ahaa mid baal marsan sharciga, isla markaana wuxuu cadeeyey in ay hayaan cadeymo khuseeya eeda loo soo jeediyey C/raxmaan C/shakuur Warsame .
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sidoo kale sheegay in Xafiiska Xeer Ilaalinta uu racfaan ka qaadanayaa go’aankii Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ku adkeystay in aanu sharciga waafaqsaneyn,kana horimaanaya shuruuucda dalka go,aanka Maxkamada gobalka Banaadir .
Hoos ka Dhageyso Dhageyso shirka jaraa’id ee Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir uu ku qabtay magaalada Muqdisho.
A/Cawale
Halgan.net