Ciidanka Amniga ee magaalada Bosaaso oo dilay nin ku hubaysan Bistoolad
February 22, 2018 - Written by EditorBoosaaso:-Ciidamada Amniga ee magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa shalay toogtay nin ku hubaysnaa Bistoolad , ka dib markii uu diiday in uu istaago taas oo sababtay in uu toogasho ku dilo mid ka mid ah ciidanka nabad galyada wadooyinka ee gobolka Bari.
Dilka ninkaan ku hubaysnaa Bistoolada ayaa waxaa uu ka dhacay isgoyska NETCO ee magaalada Bosaaso
oo ah goob aad u mashquul badan. Dilka ninka la dilay ayaa waxaa ka soo baxay warar is khilaafsan oo ku saabsan qaabka uu dilku u dhacay dadka qaar ayaa sheegay in uu doonayey in uu dilo askar ka tirsanaa ciidanka amniga oo goobta ku sugnaa halka dad kale ay sheegayeen in uu diiday in uu is taago.
Dhinac kale Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Boosaaso ee Gobolka Bari oo la hadlay idaacadda VOA ayaa u sheegay in ninka la dilay uu ku hubaysanaa Bistoolad uuna isku dayey in uu dilo askari ka tirsan ciidanka balse uu askarigu rasaasta kala hormaray ka dibna uu goobta ku dhintay isagoo sheegay in ninkaas uu ka tirsnaa ururka Al-shabaab.
Sarkaalkaan ayaa waxaa kale oo uu Idaacadda VOA u sheegay in 2 dhalinyaro ah oo ninkaan la socotay kana tirsanaa ururka Al-shabaab ay goobta ka baxsadeen maadaama goobtu ay ahayd goob laga raaco gaadiidka ayna dadku aad ugu badnaayeen balse ay ciidanku ay ku daba jiraan.
Ilaa hadda ma jiro wax ay soo bandhigeen Taliska guud ee Ciidanka Booliska Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari mana jirto xog ku saabsan ninkaan lagu dilay magaalada Boosaaso mana jirto war ka soo baxay ururka Al-shabaab oo sheegay in xubin ka tirsanaa ururkooda oo lagu dilay Boosaaso.
M_M_Deeq
Halgan.net