R/wasaaraha JFS oo maanta u amba baxay dalka Imaaraadka Carabta
February 26, 2018 - Written by EditorR/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu horkacayo ayaa saaka u ambabaxay Isutagga Imaaraadka Carabta. R/wasaaraha ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya xubno ka tirsan Golaha wasiirada DFS waxaana ay casumaad ay ka heleen madaxda dowlada Imaaraadka Carabta.
Ra’’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa waxaa ay kulamo kala duwan ay la yeelan doonaan masuuliinta dalka Imaaraadka iyaga oo aan la shaacin ujeedada rasmiga ah ee socdaalka Raisulwasaaraha JFS .
Dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxaa uu ka mid yahay wadamada daneeya arimaha Soomaaliya waxaana ay gacanta ku hayaan ciidamo si gaara u hoos yimaada iyo dekkadaha Boosaaso iyo Berbara.
A/Cawale
Halgan.net