Madaxweynaha Puntland oo Daahfuray Mashruuca Waxbarashadu Waa Iftiin Wejigii 3-aad.[Masawiro]

March 21, 2019 - Written by Editor


Garoowe:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa daah-furay masharuuca Wabarashadu Waa Iftiin wejigii sadexaad, kaasi oo ay ku baxayso adduun lacageed oo dhan 7.2 Milyan.

Daahfurka Masharuucani ayaa waxaa qayb ka ahaa Safiirka Midawga Yurub ee Soomaaliya Mr. Pencho Garndo Ruiz, Wasiirka Wasaaradda Waxbarasha iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Maxamed Xasan, masuuliyiinta Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda Puntland, hay’addaha shaqo wadaagta la ah Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masiiliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu horayn ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay sare u qaadidda waxbarashada Puntland, gaar ahaan manhajka iyo tayaynta xarumaha waxbarasho ee dalka, Madaxweynaha ayaa xusay in 982 xarumo waxbarasho ay ku yaaliin Puntland, ayna wax ku bartaan xarumahaasi 210,000 ( laba boqol iyo toban kun oo arday ).

“Runtii maanta waxay ii tahay farxad aad u weyn inaan daah-furno ‘Aqoontu waa Iftiin barnaamijkiisii Saddexaad’ muddadii yarayd ee aan halka fadhiyey xasuus badan bay dib ii gelisey, waxay dib igu celisey 1992 – 1993 oo aan kamid ahaa Iskuulkii ugu horeeyey dadkii ka furay Garoowe oo dhawr bilood ama sanad wax ka yar is xidhay, iyadoo loo waayey wax laguwado, waa wax Alle lagu mahadiyo in maanta Puntland ka jiraan 198 Iskuul, kuwaasi oo ay ka faa’iidaystaan in ka badan 210,000 ( laba boqol iyo toban kun) oo arday ”

“Tacliintu waa iftiin ummadeed, haddii aanay tacliintu jirilahayn Puntland maanta sida ay u egtahay uma ekaateen, dadka garbahan u ah Puntland maanta waxay u badan yihiin dadkii helay fursadaha waxbarasho, waxaan aad ugu mahadcelinayaa EU-da iyo saxiibbo badan oo gacan weyn kasoo geystey waxbarashada Puntland, tacliintu waxay saldhig u tahay horumarka ay dadka Puntland ka gareen nabadda, xasiloonida iyo nidaamka wanaagsan ee maanta jira, cid kasta oo gacan-nagasiisayna runtii abaal weyn ayaan u haynaa” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Dhinca kale Madaxweyne Deni ayaa ku booriyey guud ahaan hay’addaha dowladda iyo dadka Puntland ba inay ka faa’iidaystaan khayraadka dhulkooda oo aanay isku ilaabin taageerada beesha caalamka, si ay ula tartamaan dhigooda.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku adkeeyey masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Puntland iyo kuwa ku hawlan arrimaha waxbarashada inay laba dhinac ahmidyadda siiyaan, kuwaasi oo kala ah Waxbarasha farsamada Gacanta iyo tan Wacyigelinta shaqooyinka dhaqan ahaan dadkeeni ka faano, kuwaasi oo Madaxweynuhu xusay in ajanebi dalkeena ka shaqeeyo.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
March 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online