Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda Hay’adda WHO.
November 19, 2019 - Written by EditorGarowe:- Wasiirka Caafimaadka Dawlada Puntland Dr Jama Farah Xasan ayaa maanta xafiiskiisa kuqaabilay Jamal Amran madaxa qaybta malaariyada WHO Somaliya iyo Drs Rehab kambo Madaxa WHO Puntland.
Wasiirka waxaa kulanka ku weheliyay agaasimayaasha wasaarada,waxayna ka wada hadleen, sidii loo hirgalin lahaa mashruuc tijaabo ah oo lagu samaynayo haamo lagu badalayo barkadaha magaalada boosaaso, si loo yareeyo fiditaanka tirada Kaneecada dhalanaysa,loogana hortago malaaria.
Waftiga ayaa kulanka wasiirka kadib booqday xarunta tababarka wasaarada oo uu ka socday tababar loo qabanayay shaqaalaha malaariyada ee gobolada Nugaal iyo Karkaar .
Madaxa malaariyada Puntland Abdikariin Huseen Hasan ayaa waftiga ku soo dhaweeyay xarunta uu shirku ka socday, waxaana uu faahfaahin ka siiyay tababarka socoda oo kusaabsanaa ciribtirka malaariyada, oo ay galeen gobolada Nugaal iyo karkaar, iyo muhiimada uu leeyahay.
Jamal iyo Drs Rehab oo shirka hadal kooban ka jeediyay ayaa soo dhaweeyay shaqada socota iyo tababarka muhiimka ee ku saabsan malaariyada.
A/cawaale
Halgan.net