Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda Hay’adda WHO.

November 19, 2019 - Written by Editor

Garowe:- Wasiirka Caafimaadka Dawlada Puntland Dr Jama Farah Xasan ayaa maanta xafiiskiisa kuqaabilay Jamal Amran madaxa qaybta malaariyada WHO Somaliya iyo Drs Rehab kambo Madaxa WHO Puntland.

Wasiirka waxaa kulanka ku weheliyay agaasimayaasha wasaarada,waxayna ka wada hadleen, sidii loo hirgalin lahaa mashruuc tijaabo ah oo lagu samaynayo haamo lagu badalayo barkadaha magaalada boosaaso, si loo yareeyo fiditaanka tirada Kaneecada dhalanaysa,loogana hortago malaaria.

Waftiga ayaa kulanka wasiirka kadib booqday xarunta tababarka wasaarada oo uu ka socday tababar loo qabanayay shaqaalaha malaariyada ee gobolada Nugaal iyo Karkaar .

Madaxa malaariyada Puntland Abdikariin Huseen Hasan ayaa waftiga ku soo dhaweeyay xarunta uu shirku ka socday, waxaana uu faahfaahin ka siiyay tababarka socoda oo kusaabsanaa ciribtirka malaariyada, oo ay galeen gobolada Nugaal iyo karkaar, iyo muhiimada uu leeyahay.

Jamal iyo Drs Rehab oo shirka hadal kooban ka jeediyay ayaa soo dhaweeyay shaqada socota iyo tababarka muhiimka ee ku saabsan malaariyada.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online