Madaxweynaha PLoo Qaabilay Wafdi Uu Hoggaaminayo Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey Ee Soomaaliya

December 23, 2019 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobey, oo uu hoggaaminayo ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ee dhowaan lasoo magacaabay Mr Adam Abdelmoula.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Dowladda Puntland, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland iyo masuuliyiinta Xafiiska Qaramada ee Puntland, waxaa looga hadlay mashaariicda ay Qaramada Midoobey ka fuliso Puntland oo ay ugu horeyso arrimaha bani’aadantinimada.

Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mr. Adam Abdelmoula oo sidoo kale xafiiskaasi u qaabilsan arrimaha bani’aadantinimada, wuxuu sheegay in Puntland ay ugu danbeysay 2002-dii, haddana uu arko in Puntland ay sameysay isbedel weyn, dhinacyada dhismaha, hormurka, maamulka iyo bilicda, wuxuu sheegay in isbedelka Puntland sameysay uu tusaale wanaagsan u yahay Soomaaliya inteeda kale.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey shaqada Qaramada Midoobey ka hayso Puntland, wuxuuna usoo jeediyey in waxqabadka bani’aadanimo lagu saleeyo baahiyaha ka jira deegaanada iyo xaaladdaha bani’aadanimo ee la darsay.

Arrimaha Dimuqraadiyada Puntland ayaa kulanka looga hadlay, wuxuu Madaxweyne Deni la wadaagay Xafiiska Qaramada Midoobey in ay ka go’antahay Dowladda Puntland hirgelinta nidaamka xisbiyada badan, dhowaana Dowladdu daah-furtay qorshaha shaqo ee Guddiga Doorashooyinka Ku meel gaarka ah ee Puntland.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
December 2019
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online