Wasaaradda Arrimaha gudaha PL oo shir ku qabtay degmada Jariiban.[Masawiro]

December 24, 2019 - Written by Editor

Jariiban:-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadi yeynta Puntland oo Degmada Jariiban ku qabatay shir looga hadlayay qorshe howleedka 2020 ka ee degmada Jariiban.

Shirka qorshe howleedka mashaariicda hormarinta Degmada Jariiban ayaa soconayey mudo 3dhex maalin ah si hufan looga doodayey baahiyaha ka jira Degmada iyo Deegaanada hoosyimaada waxaana kasoo qayb galay qaar kamid ah golaha deegaanka, Gudiyadda xaafadaha, Gudoomiyayaasha tuulooyinka, qaybaha kale duwan
ee bulshada Degmada Jariiban iyo Maamulka Degmada.

Intii uu socday Shirka waxa looga dooday qorshe howleedka degmada Jariiban ee 2020, kaas oo dhinacyo badan laga eegey la iskuna afgartay. waxana si gacan taag ah lagu ansixiyay qorshe howleedka 2020 ka. ayagoona doortay afar mashruuc.

1. Dayactir iyo balaarin lagu samaynayo MCH ka Deegaanka Salax

2. Dayactir iyo ballaarin lagu samaynayo Schoolka Balibusle

3.balaarin lagu samaynayo Schoolka Garacad.

4. Layrarka Cadceedka oo lagu xirayo Jariban

Ansixintaas waxa markhaati ka ahaa masuuliyiintii ka socday wasaaradaha adeeg bixyaasha mashaariicda hormarinta latilayaal ka socday wasaaradaha Arrimaha oo uu hogaaminayo agaasimaha waaxda Dowladdaha Hoose ee wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL iyo xafiiska madaxwayne ku xigeenka.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA FEDERALKA IYO DIMUQRAADIYEYNTA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
December 2019
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online