Taliyaha Ciidanaka Booliska DPL oo gudoomiyey shirka xaalada amniga ee Gobollada Puntland.[Masawiro]
June 26, 2022 - Written by EditorGarowe:-Taliyaha Ciidanaka booliska DPL S/Guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa waxaa uu maanta gudoomiyay shir looga hadlayay xaaladda amani ee gobolada Puntland.
Shirka oo ka qabsoomay xarunta taliska ciidanka booliska DPL waxaa ka qayb galay taliye ku xigeenka Ciidanka booliska DPL S/guuto Caydiid Axmed Nuur,Hogaanada Ciidanka,Taliyaasha Qaybaha gobolada Nugaal, Bari, Mudug, Sool, Karkaar, Cayn, Gardafuu,Sanaag iyo Haylan.
Taliyaha Ciidanka booliska DPL S/guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa Hogaanada iyo Taliyaasha qaybaha ka dhagaystay xaalada guud ee amniga Puntland iyo shaqooyinka baaxada leh ee socda.
Taliyaha ayaa Hogaanada iyo Taliyaasha qaybaha ku bogaadiyay doorka muhiim ka ah ee ay ka qaateen adkaynta amniga degaamada Puntland isagoo ku la dardaarmay in ay halkaas ka sii wadaan si loohelo deegaan nabdoon.
no images were found
Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta
Taliska Ciidanka Booliska Dowladda Puntland