đť—šolaha Wasiirada oo Ansixiyey soo jeedinta taliyaha Cusub ee Ciidanka X.D.S

June 19, 2023 - Written by Editor

Muqdisho:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo galabta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa lagu ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee  Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed in uu noqdo, General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed  Gen. Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow, ayaa horey u soo qabtay xilal ciidan oo kala duwan oo ay kamid yihiin Taliyaha Ilaalada Ciidanka Xoogga dalka ee Madaxtooyada.

Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xafiiska Hanti-Dhowrka Guud ee Dowladda, Xeerka Dhismaha Xarunta Tubsan, Xeer Nidaamiyaha Ruqsadda Korontada, Xeer Nidaamiyaha Tariifada Adeegga Korontada iyo Qaraar ku saabsan Qorista Shaqaalaha Dowladda.

—-Dhamaad—-

Comments are closed.

Archives
June 2023
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online