๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟaha JFS oo ๐๐๐ฟ๐ฎ๐ ๐ฆ๐ต๐ถ๐ฟ๐ธ๐ฎ ๐๐ฎ๐ป๐ป๐ฎ๐ฎ๐ป๐ธ๐ฎ ๐๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ๐ฎ๐น๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐๐๐ผ ๐๐๐น๐๐๐ฏ๐๐ฎ ๐ค๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ป๐ธ๐ฎ
June 1, 2023 - Written by EditorMuqdisho:-Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka Hirgelinta Hannaanka Federaalaynta Caddaaladda iyo Asluubta.oo dhiirri gelinaya sarreynta sharciga iyo in dadka Soomaaliyeed ay helaan garsoor Caddaalad ah, loo dhanyahay, lagu kalsoon yahay oo hufan.
Hannaanka caddaaladda iyo Garsoorka oo looga heshiiyey Shirkii 4aad ee Golaha Wadatashiga Qaran yeesheen, ayaa si loo dhaqangeliyo heshiiska, looguna biiriyo dhameystirka Dastuurka KMG ah, wuxuu Raโiisul Wasaaruhu ku tilmaamay heshiiskan mid guul u ah qaranka, dhabahana u xaaraya jiheynta mustaqbalka dowlad-dhiska Soomaaliya.
Raโiisul Wasaaraha ayaa xusay, si loo helo hannaan caddaalad iyo garsoor madax-bannaan oo dalku yeesho la qaaday tallaabooyin dhowr ah, oo ay kamid yihiin dib-u-habeynta Maxkamadaha, howlgelinta garsoore-yaal khibrad leh, isla markaana meesha laga saaray lacagihii sharci darrada ahaa ee lagu qaadi jiray waaxda Danbi Baarista ee CID.
Raโiisul Wasaaraha oo ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Dastuurka KMG ah, ayaa tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay in la qabyotiro dastuurka, Xukuumadda DanQaran-na ay ka goโan tahay dhameystirkiisa, isla markaaana tallaabooyin loo qaaday qodobada u baahnaa heshiis siyaasadeed..
—–Dhamaad—-