๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟaha JFS oo ๐—™๐˜‚๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐—ฆ๐—ต๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—›๐—ฎ๐—ป๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—œ๐˜†๐—ผ ๐—”๐˜€๐—น๐˜‚๐˜‚๐—ฏ๐˜๐—ฎ ๐—ค๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ

June 1, 2023 - Written by Editor

Muqdisho:-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka Hirgelinta Hannaanka Federaalaynta Caddaaladda iyo Asluubta.oo dhiirri gelinaya  sarreynta sharciga iyo in dadka Soomaaliyeed ay helaan garsoor Caddaalad ah, loo dhanyahay, lagu kalsoon yahay oo hufan.

Hannaanka caddaaladda iyo Garsoorka oo looga heshiiyey Shirkii 4aad ee Golaha Wadatashiga Qaran yeesheen, ayaa si loo dhaqangeliyo heshiiska,  looguna biiriyo dhameystirka Dastuurka KMG ah, wuxuu Raโ€™iisul Wasaaruhu ku tilmaamay heshiiskan mid guul u ah qaranka, dhabahana u xaaraya jiheynta mustaqbalka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa xusay, si loo helo hannaan caddaalad iyo garsoor madax-bannaan oo dalku yeesho la qaaday tallaabooyin dhowr ah, oo ay kamid yihiin dib-u-habeynta Maxkamadaha, howlgelinta garsoore-yaal khibrad leh, isla markaana meesha laga saaray lacagihii sharci darrada ahaa ee lagu qaadi jiray waaxda Danbi Baarista ee CID.

Raโ€™iisul Wasaaraha oo ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Dastuurka KMG ah, ayaa tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay in la qabyotiro dastuurka, Xukuumadda DanQaran-na ay ka goโ€™an tahay dhameystirkiisa, isla markaaana  tallaabooyin loo qaaday qodobada u baahnaa heshiis siyaasadeed..

—–Dhamaad—-

Comments are closed.

Archives
June 2023
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUร‰ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online