Golaha Wasiirada Puntland oo kulan ku yeeshay Garoowe

June 22, 2023 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-gurdoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo looga hadlay Amniga Caasimadda iyo guud ahaan Puntland, Arrimaha deegaanka iyo qodobo kale.

Golaha Wasiirada Dowladda Puntland wuxuu ka xunyahay oo cambaareynaya dhacdadii ka dhacday Garoowe 20-kii June 2023, Isagoo ka tacsiyeeyay dhammaan dadkii ku geeriyooday dhacdadaasi, waxaana uu Goluhu caafimaad degdeg ah u rajeeyay dadka dhaawacmay, Golaha Wasiirada ayaa muujiyey muhiimada ay leedahay in la illaaliyo nabadda , kala danbeynta iyo Dowladnimada cidkasta oo lidi ku ahna meel looga soo wada jeesto Dowlad iyo Shacaba.

Sida la wada ogsoonyahay Dowladda Puntland waxay bilihii u danbeeyay dadaal ku bixinaysay sidii wadahadalo nabadeed loogu dhameyn lahaa arrimaha taagan, welina diyaar ayeey u tahay.

Ugu danbeyn waxay Dowladdu ka digeysaa wax kasta oo keeni kara khalkhal gelin Bulsho, sida dadka faafinaya dacayaadka iyo qixinta dadweynaha.

——DHAMMAAD—

Comments are closed.

Archives
June 2023
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online