Gudiga Joogtada ah Baarlamaanka oo dib u celiyey nuqulada heshiiska Madasha Wadatashiga Qaran

June 11, 2023 - Written by Editor

Muqdisho:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo shir guddoomiyay kulanka 2-aad ee aan caadiga aheyn ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa looga hadlay warbixinta guddiga loo xilsaaray soo diyaarinta ajandeynta kalfadhiga seddaxaad.

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa dood ka yeeshay soo-jeedinta guddi hoosaadka loo xilsaaray soo diyaarinta ajandeynta kalfadhiga 3-aad, iyagoona isku raacay markii ay wax ka bedel ku sameeyaan ajandeynta kalfadhiga 3-aad ee Golaha Shacabka BJFS, kaas oo ah dhageysiga warbixinnada wasiiradda, la xisaabtanka Xukuumadda iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka ah.

Dhanka kale guddiga ayaa si adag uga horyimid hanaanka uu soo maray Wasiirka Cadaalada iyo Dastuurka, kaas oo Guddiga Kor-joogteynta iyo La-socodka Dib u eegista Dastuurka labada aqal ee Baarlamaanka JFS ku wareejiyay heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran ee Golaha Wasiiradda ay meelmariyeen. Guddiga ayaa isla gartay in Guddoomiyaha guddiga uu dib ugu celiyo nuqulada warbixinta uu maanta la wareegay islamarkaana la soo marsiiyo habraaca gudbinta heshiisyada iyo hindise sharciyeedyada si waafaqsan Dastuurka KMG ah ee JFS.

—–DHAMMAAD—-

Comments are closed.

Archives
June 2023
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online