Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland oo is casilay (Daawo)
June 11, 2023 - Written by EditorLaascaanood:-Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Cabdirisaq Khaliif Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool ayaa si rasmi ah u shaaciyay in uu gebi ahaanba iska casilay xilka Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland iyo xubanimadii xisbigi Waddani.
Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ayaa yiri “Waxaan iska casiley Xilkii gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Xubinimadii golaha iyo xisbigi Wadani ee aan ka tirsanaa”
Gudoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaq Khaliif Axmed ayaa si adag oga horyimid qaabka ay Somaliland u maareysay caradii ka dhalatay dilalka lagu laayey haldoorkii laascaanood.
A/Cawale
Halgan.net