Madaxweynaha Jubaland oo daahfurey shirka madasha Xiriirka arimaha baniaadamnimada
June 5, 2023 - Written by EditorKismaayo:-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta aqalka martida ku daahfuray shirka madasha Xiriirka arimaha baniaadamnimada dalka.
Shirkan oo diirada lagu saarayo qaabaynta hanaanka xiriirka iyo wada shaqaynta Hay’adaha gargaarka iyo heerarka kala duwan ee Dowlada Soomaaliya ayaa jiho Cusub u samaynaya tageerada Caalamka ee bulshada Soomaaliyeed.
Waxaa kale oo shirkan lagu gaarayaa go’aamo wax ku ool ah oo la xiriira sidii xal waara looga gaari lahaa masiibooyinka dabiciiga ah ee lasoo darsa dadka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in deeqaha gargaarka ee guud ahaan dalka ay muhiim tahay in lagu saleeyo baahiyaha markaas taagan iyadoo si siman dalka oo dhan loo gaarsiinayo isla markana xogta goobaha ay dhibaatooyinku ka jiraan la darsayo oo hubin buuxda lagu samaynayo.
Waxaa Madaxweynahu uu shirkan kaga dhawaaqay in Dowlada Jubaland ay bixinayso goobaha lagama maarmaanka u ah in mudo kooban lagu hayo dadka masiibooyinka dabiciiga ah ay soo gaareen gaar ahaan fatahaadaha iyo abaaraha balse ay lagama maarmaan tahay in xal waara oo deg deg ah loo helo si ay mudo kooban kadib noloshooda caadiga ah ugu soo laabtan.
Madaxweynaha ayaa xusay in is waafajinta xasilinta deegaanada la xoreeyay iyo gargaarka deg deg ah oo lala gaaro dadka ku nool deegaanada la xoreeyay ay tahay in mudnaan buuxda la siiyo si bulshada halkaas ku nool ay u helaan adeegyada bulshada ee lagama maarmaanka ah.
Shirkan Waxaa ka qeybgalaya masuuliyiin kasocda Dowlada Federaalka ah, Dowladaha xubnaha ka ah iyo wakiilada Hay’adaha gargaarka, ururada iyo Dowladaha tageera Soomaaliya.
——DHAMMAAAD—