Madaxweynaha Jubaland oo daahfurey shirka madasha Xiriirka arimaha baniaadamnimada

June 5, 2023 - Written by Editor

Kismaayo:-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta aqalka martida ku daahfuray shirka madasha Xiriirka arimaha baniaadamnimada dalka.

Shirkan oo diirada lagu saarayo qaabaynta hanaanka xiriirka iyo wada shaqaynta Hay’adaha gargaarka iyo heerarka kala duwan ee Dowlada Soomaaliya ayaa jiho Cusub u samaynaya tageerada Caalamka ee bulshada Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo shirkan lagu gaarayaa go’aamo wax ku ool ah oo la xiriira sidii xal waara looga gaari lahaa masiibooyinka dabiciiga ah ee lasoo darsa dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in deeqaha gargaarka ee guud ahaan dalka ay muhiim tahay in lagu saleeyo baahiyaha markaas taagan iyadoo si siman dalka oo dhan loo gaarsiinayo isla markana xogta goobaha ay dhibaatooyinku ka jiraan la darsayo oo hubin buuxda lagu samaynayo.

Waxaa Madaxweynahu uu shirkan kaga dhawaaqay in Dowlada Jubaland ay bixinayso goobaha lagama maarmaanka u ah in mudo kooban lagu hayo dadka masiibooyinka dabiciiga ah ay soo gaareen gaar ahaan fatahaadaha iyo abaaraha balse ay lagama maarmaan tahay in xal waara oo deg deg ah loo helo si ay mudo kooban kadib noloshooda caadiga ah ugu soo laabtan.

Madaxweynaha ayaa xusay in is waafajinta xasilinta deegaanada la xoreeyay iyo gargaarka deg deg ah oo lala gaaro dadka ku nool deegaanada la xoreeyay ay tahay in mudnaan buuxda la siiyo si bulshada halkaas ku nool ay u helaan adeegyada bulshada ee lagama maarmaanka ah.

Shirkan Waxaa ka qeybgalaya masuuliyiin kasocda Dowlada Federaalka ah, Dowladaha xubnaha ka ah iyo wakiilada Hay’adaha gargaarka, ururada iyo Dowladaha tageera Soomaaliya.

——DHAMMAAAD—

Comments are closed.

Archives
June 2023
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online