Xafiiska Hantidhowrka guud ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in khasnada DFS laga lunsaday 21 Milyan

June 21, 2023 - Written by Editor

Muqdisho:-Xafiiska Hantidhawrka guud ee Qaranka ayaa ku wareejiyay Xafiiska Xeer- ilaaliyaha guud ee Qaranka Warbixin Baariseed Fatash ah (Forensic Audit Report) oo Xafiiska Hantidhawrku ku sameeyay Waaxda bixinta ruqsadda shaqada ee shaqaalaha shisheeyaha ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada (MOLSA Work permit department), Waaxda kordhinta dal ku joogga shisheeyaha ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (IND Visa Extension), Waaxda adeegga shaqaalaha shisheeyaha ee Wasaaradda Maaliyadda, Waaxda adeegga shaqaalaha shisheeyaha ee Bankiga Dhexe Soomaaliya iyo Waaxda adeegga shaqaalaha shisheeyaha ee Xafiiska Xisaabiyaha Guud.

Warbixin baariseedkan fatashka ah ee Xafiiska Hantidhawrku ku wareejiyey Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa muujisay in khasnadda dhexe ee dowladda Soomaaliya uu ka maqan yahay dakhli ay xafiisyadaasi soosaareen oo gaaray 21 Milyan oo dollar intii u dhexeysay 08 March 2018 ilaa 19 April 2023, taas oo ku maqan mas’uuliyadda iyo maamulka Xafiisyada bixiya adeegyada kordhinta fiisaha iyo ruqsadda shaqada oo kala raacsan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada iyo Hay’adda Scodaalka iyo Jinsiyadda iyo sidoo kale Xafiisyada qabashada dakhliga, xisaabinta iyo xaraynta dakhliga oo kala raacsan Wasaaradda Maaliyadda, Xafiiska Xisaabiyaha guud iyo Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Baarista Fatashka ah ee Xafiiska Hantidhawrku ku sameeyey hay’adahan ayaa dabooleysa intii u dhexeysay 08 March 2018 ilaa 19 April 2023. Waxaana ku lug leh dad isugu jira madax iyo shaqaale dowladeed iyo dad shacab ah oo xiriir wadashaqeyneed la leh hay’daha dowladda ee Baaristu khuseyso.

Hay’adaha qaabilsan hufnaanta iyo dhaqan-gelinta sharciga ee dowladda Soomaaliya waxa ay wadaan olole lagula dagaalayo musuqa iyo wax- isdamarinta oo sabab u ah gaabiska iyo caajiska miisaaniyadda dalka. Hay’adahan oo ka ambaqaadaya waajibkooda shaqo waxa ay ugu baaqayaan dhammaan madaxda iyo shaqaalaha ka shaqeeya ilaha dakhliga dowladda Soomaaliya in ay muujiyaan mas’uuliyad iyo feejignaan dheeri ah ayna xilkooda u gutaan sida ugu habboon.

Sidoo kale Hay’adaha qaabilsan hufnaanta, ilaalinta iyo dhaqangelinta sharciga ee dowladda Soomaaliya waxa ay Dadweynaha Soomaaliyeed ka codsanayaan in dowladda lagu taageero laguna garab-istaago dagaallada ka dhanka ah musuqa iyo Khawaarijta Alshabaab.

La dagaallanka musuq-maasuqa iyo Khawaarijta Alshabaab waa qorshe qaran oo qof walba oo Soomaali ah ay ku jirto dantiisa maanta iyo mustaqbalka carruurtiisa.

Ujeeddada baaristan Fatashka ah oo keli ah waa kahortagga musuqa, wax is daba-marinta iyo ku takrifalka dakhliga yar ee dowladda Soomaaliya ka soo gala ilaheeda dhaqaalaha, mana jirto habayaraatee cid, koox iyo qof gaar ah oo uu lid ku yahay ololahan la dagaallanka musuqa iyo lunsiga dakhliga dowladda Soomaaliya.

—–DHAMMAAD—

Comments are closed.

Archives
June 2023
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online