Safiirkii Ruushka u fadhiyay dalka Turkiga Mr Andrei Karlov oo la Khaarajiyey (Daawo)
December 19, 2016 - Written by EditorSafiirkii Ruushka u fadhiyay dalka Turkiga Mr Andrei Karlov ayaa lagu dilay magaalada Ankara ee Caasimada Turkiga waxaana toogtay askari ka tirsan ciidanka dalka Turkiya oo fasax ku jiray.
Safiirka Ruushka ayaa ku sugnaa meel Madxaf oo ka socotay bandhig Farshaxan oo lagu muujinayey Taariikhda .
Askariga dilay Safiirka Ruushka Mr Andrei Karlov ayaa ku qayliyey Alahu Akbar wuxuuna yiri adinka Xalab baad nagu dileysaan idinkana Ankara baan idinku dileynaa.
Ciidanka Amaanka dalka Turkiya ayaa la sheegay in ay toogteen askariga dilay safiirka dalka Ruushka u fadhiyay magaalada Ankara Mr Andrei Karlov.
no images were found
Hoos Ka Daawo Qaabkii loo toogtay Safiirka Ruushka u fadhiyay magaalada Ankara Mr Andrei Karlov
A/Cawale
Halgan.net