Taliyaha guud ee ciidanka DFS Cabdiweli Jaamac Gorod oo booqday xerada 54aad ee Garoowe.[Masawiro]

December 12, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Taliyaha guud ee ciidanka Dowladd Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Jaamac Gorod oo shalay soo gaaray magaalada Garoowe ayaa saaka booqday xerada 54 ee cidanka daraawiishta Puntland, Taliye Gorod oo ay la socdaan saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda federaalka Somaaliya iyo kuwa Puntland ayaa waxaa ay salaan sharaf ka qaateen ciidanka daraawishta Puntland ee ku sugnaa Xerada 54 aad.

Taliyaha guud ee ciidanka difaaca dowladda Puntland General Siciid Maxamed Xirsi ayaa waxaa uu aad uga mahad celiyey booqashada uu Taliyaha guud ee ciidanka dowladd Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Jaamac Gorod uu ku yimid magaalada Garoowe.

Taliyaha guud ee ciidanka difaaca dowladda Puntland General Siciid Maxamed Xirsi ayaa sheegay in dowladda Puntland iyo shacabkeeduba ay u taagan yihiin siddii dalka Soomaaliya looga dhisi lahaa dowlad rasmi ah iyp weliba cidamada qaranka Soomaaliya ee si loo soo celiyey nabadgelyada guud ee dalka Soomaaliya.

Dhinac kale Taliyaha guud ee ciidanka Dowladd Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa ku amaanay Puntland nabad gelyada buuxa ee ka jirta isagoona ku amaanay ciidanka Puntland sidda wanaagsan ee ay u sugeen amaanka guud ee Puntland waxaana uu ku bogaadiyey dagaalka ay ciidanka amniga Puntlands ay kula jiraan uruka Al-shabaab iyo Daaicsh.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online