Ra’iisul wasaare Saacid oo eedeeyey Madaxweynaha DFS Xassan Sh.Maxamuud
December 2, 2013 - Written by EditorMuqdish:-Ra’iisulwasaaraha dowladda Federaalka Somaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa uu eedeyn culus u jeediyey Madaxweynaha DFS Xassan Sh.Maxamuud isagoo ku eedeeyey in ay marin habaabiyeen kooxda Damul Jadiid oo iyagu ka masuulka ah khilaafka u dhexeeya madaxweynaha DFS iyo Ra’iisalwasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Saacid.
Ra’iisul wasaaraha dowladda Federaalka Soomaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa waxaa uu shirkiisa jaraa’id uga hadlay waxqabadka xukuumadiisa gaar ahaan dhinac amniga , horumarka iyo xiriirka dhinac beesha caalamka. R/wasaaraha dowladda Federaalka Soomaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sidoo kale waxaa uu eedeyn dusha uga tuuray qaar ka mid ah golaha wasiiradiisa isagoo ku eedeeyey in ay imaan waayeen kulamdii golaha wasiirada walow uusan magacaabin.
Shirka Jaraa’id ee Ra’iisalwasaaraha dowladda Federaalka Soomaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa insha Allaahu.
A/cawaale
Halgan.net