Xarunta Golaha Baarlamaanka DFS oo ay ka socoto tirinta Xildhibaanadda

December 2, 2013 - Written by Editor

shirMuqdisho:- Xarunta Golaha Baarlamaanka DFS ayaa hadda waxaa ka bilaabatay tirinta  tirada rasmiga ah ee Xildhibaanada diyaar u ah in cod loo qaado ama in cod la geliyo xukuumada Saacid  iyo in kale. Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka  Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa waxaa  markii uu codka qaaday waxaa loo batay xilidhibaada soo jeediyey in cod lagu kala baxo  si loo ogaado Xildhibaanada taageersan ama kuwa diidan in xukuumada Ra’iisalwasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid  ay sii shaqayso walow gudoomiyaha Baarlamaanku uu dib u bilaabay mar kale tirinta Xildhibaanadda ku sugan xarunta golaha shacabka.

Dood dheer oo dhex martay saaka Xildhibaanada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa  hadda la guda galay tirinta Xildhibaanada isagoo Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka  uu hadda akhrinayo magacyada Xildhibaanada ku sugan xarunta Golaha  Baarlamaanka.

Taageerayaasha Ra’iisalwasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa wada dadaalkii ugu weynaa oo ay ku doonayaa in ay dhiciseeyaan mooshinka ka dhanka ah xukuumada uu hogaamiyo Ra’iisalwasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya  balse waxaa natiijada la ogaan doonaa saacadaha soo socda.

Wixii soo kordha kala soco Halgan.net

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online