Khudbaddii Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya [Akhriso}
December 2, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Marka ugu horreysa waxaan Salaan waafiya u hibeyne ayaa Guddoonka iyo Xubnaha Golahan haybadda weyn ee shacabka , oo ay haboon tahay in mar walba la xasuusnaado in Fadhigiisa guud yahay Hay’adda , Dastuur ahaan, ugu Sarreysa uguna Awoodda badan Qaranka Soomaaliyeed .
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Markay taariikhdu ahayd 24/11/2013, waxaa Golaha sharafta leh la iga keenay Hindise/Mooshin la xiriira kalsoonida xukuumadda. Fursaddan qaaliga ah ee Guddoonku I siiyay waxaan uga faa’iideysanayaa inaan uga jawaabo su’aalaha shanta ah ee Mooshinku ka kooban yahay.
Su’aasha Koowaad ee Mooshinka:
Waxaa cad in xukuumaddu gudan weyday fulinta balanqaadyaddii ku xusnaa Barnaamijka Xukuumadda ee uu R/Wasaaruhu Golaha Shacabka u soo gudbiyay taariikhdu markay ahayd 05l11/2012. Markaanu u kuurgalay qaybaha (Siyaasadda Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibedda, Dhaqaalaha iyo Adeegga Bulshada) ee ku xusnaa Barnaamijka Xukuumadda, waxaa noo soo baxday in 80% aan waxba laga fulin.
Waxaan kaloo ku qanacnay in ay yaraatay rajada laga qabi karo Xukuumaddu in ay awood u leedahay in ay fuliso mustaqbalka barnaamijka Xukuumaddu horey ugu soo gudbisay Golaha Shacabka.Halkaan ka Akhriso khudbadii Ra’iisul wasaarah DFS Saacid
Shirka Jaraa’id ee Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Saacid ayaan idiin soo gudbin doonaa ha moogaanina
Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya
Muqdisho,Halgan.net