Codka kalsoonid oo loo qaadayo Xukuumadda Ra’isul wasaare Saacid oo bilaabatay
December 2, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS Prof.Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxaa uu dhawaan ku dhawaaqay in codka kalsoonida loo qaadayo xukuumadda uu hogaamiyo Ra’iisul wasaare Saacid iyadoo codayntu u dhici doonto mid gacan taag ah. Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS Prof.Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa shaaciyey in ay xaqiijiyeen in xarunta Baarlamaanka maanta ay ku sugan yihiin ilaa 250 Xildhibaan kuwaas oo diyaar u ah in ay ka qayb qaataan codaynta loo samaynayo Xukuumada Ra’iisul wasaare Saacid.
Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS ayaa amray in Xildhibaanada ay fariistaan ayna joojiyaan buuqa si loo qaado codka ka dibna loo tiro si loo soo afjaro mooshinka ka dhanka ah xukuumada Ra’iisul wasaare Saacid.Ilaa hadda ma cad qolada ku guulaysan doonta hardanka siyaasadeed ee ka dhex aloosan Ra’iisul wasaare Saacid iyo Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud
A/cawaale
Halgan.net