Xildhibaanadda DFS oo kalsoonida kala laabtay Xukuumadii Ra’iisul wasaare Saacid
December 2, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Xildhibaanada Baarlamaanka DFS ayaa kalsoonidii kala noqday Ra’iisul Wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon Saacid kadib markii ay cod u qaadeen xildhibaanada Baarlamaanka DFS mooshinka ka dhanka ah xukuumada Raisilwasaare Saacid.
Kulanka xildhibaanada DFS ay maanta ku yeesheen xarunta golaha Shacabka ayaa waxaa ka soo qeybgalay 249 xildhibaan waxaana gudoonka baarlamaanka DFS uu ka codsaday xildhibaanada in ay cod u qaadaan kalsoonida xukuumada Raisulwasaare Saacid waxaa 184 xildhibaan ay u codeeyeen in kalsoonida laga noqdo Raisulwasaare Saacid iyo xukuumadiisa waxaana mooshinka lagu riday xukuumada DFS diiday ilaa 65 Xildhibaan.
Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Prof, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in mooshinka laga keenaya xukuumada uu ansax yahay, isla markaana Xukuumada ay dhacday, lagana sugayo madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud in uu soo magacaabo Raisulwasaare cusub.
Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Pro.Jawaari ayaa sheegay inta uu Madaxweynaha uu soo magacaabayo Raisulwasaare Cusub ay sii shaqeyn doonto Xukuumada Raisulwasaare DFS Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo golahiisa wasiirada.
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow la filayaa in uu ku qabto Shirjaraa,id xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya si uu uga hadlo natiijada ka soo baxday Baarlamaanka DFS iyo kalsoonida laga laabtay Xukuumada Raisulwasaare Saacid.
A/Cawale
Halgan.net