Madaxweynaha DFS oo soo dhaweeyey in kalsoonida laga laabto R/W Saacid
December 2, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay in baarlamaanka DFS uu kalsooni kala laabto Raisulwasaaraha dowlada federaalka Cabdi Faarax Shirdoon Saacid waxaana uu amaan u soo jeediyey golaha baarlamaanka DFS iyo Gudoomiyahood Pro.Maxamed Cismaan Jawaari.
Madaxweynaha DFS ayaa warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa waxaa uuu ku sheegay in go,aanka uu qaatay baarlamaanka DFS uu cadeyn u yahay awoodda hay’adaha dalka iyo horumarka ay gaareen xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray dhamaan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya wuxuuna uu ku amaanay shaqada adag ay qabteen iyo go,aanka geesinimada leh ay gaareen taas oo badbaadineysa ayuu yiri dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu inkireynin oo uu aqoonsan yahay shaqada ay qabteen xukuumada uu madaxda u ahaa Raisulwasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid mudadii ay xilka hayeen ee sanadka ahayd.
Xildhibaanada Baarlamaanka DFS ayaa maanta kalsoonida kala laabtay xukuumada Raisulwasaare Saacid waxaana 184 xildhibaan ay u codeeyeen in xilka uu ka dego Raisulwasaare Shirdoon waxaana diiday 65 Xildhibaan.
A/Cawale
Halgan.net