Musharax Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo soo gaaray Burtinle kuna soo jeeda Garoowe.[Masawiro]
December 3, 2013 - Written by EditorBurtinle:-Musharax Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Booqasha ku maray maanta Deeganada Bacadweyn Xarfo, Faratooyo ayaa caawa Burtinle ku hoyday.Musharax Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo saakay ka soo kicitamay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa socod ku maray Deegano badan oo u dhexeeya Gaalkacyo iyo Burtinle degaanadaas ay ku dhaqan yihiin bulsho badan balse aysan ku leexan Madaxda xiliyada ay socdaalada sameynayaan.
Musharax Dr.Gaas intii uusan ka soo bixin magaalada Gaalkacyo wuxuu la hadlay Qaybaha Warbaahinta wuxuuna u sheegay in uu safar dheer Galayo isla markaana Gobolo badan Magaalooyin iyo Degmooyinba uu gaari doono ilaa Gobalka Bari cirifka ugu dambeeya si uu u soo arko Xaladaha ay ku dhaqan yihiin Bulshaweynta Puntland.
Deeganadii Sida weyn loogu soo dhoweyey Musharax Cabdweli Gaas waxaa ka mid ah Degmooyinka Bacaadweyn, Xarfo Tuulada faratooyada iyo Burtinle oo uu caawa ku suganyahay. Dadweyne aad u fara badan sida Sawirada ka muuqata ayaa Musharaxa ku soo dhoweysay Magaalada Burtinle ee Gobalka Nugaal kuwaaso duleedka Magaalada kaga hortagay ilaa caawana hor tuban Guriga uu ka degan yahay Burtinle isagoo ugu baaqaya isbedel kheyr qaba.
Deeganadii uu Booqday maanta wuxuu marayay Goobaha Waxbarashada, Cuqaasha, Culimada iyo Dadweynaha, Wuxu ka hadlay isbedelka uu Dalka galayo isagoo uga Mahad celiyay sidda ay dadku ugu Baraarugsanyihiin isbedel, uguna baahan yihiin. Musharax Gaas ayaa u istaagayay intii uu socdaalka ku jiray Dadka xoola dhaqatada ah ee qaarkood ka fog laamiga si uu u ogaado Xaladahooda Nololeed iyo mida Xoolaha ay dhaqanayaan.
no images were found
Wuxuu ka Hadlay musharaxa intii uu Socdaalka ku jiray Guddiga uu maanta soo magacabay Madaxweyne Faroole wuxuu sheegay in Nidaamka loo maray uu yahay qaab khaldan oo aan dan u ahayn doorasho xalal iyo Cadaalad ah oo dhacda isla markana kalsooni lagu qabi karo.
.”Faroole haddi usan kala tashan Musharxinta, Isimada iyo dadka ay khusaysay waxan qadayna talabo kale, kama Hadleyno dadka la magacabay shaqsiyadooda laakin waxan ka hadlayna Nidaamka la mariyay Guddigan uu magacabay waa mid aan loo marin Nidaamki saxda ahaa”.ayuu yiri Musharax Gaas intii uu socdaalka ku jiray.
Musharax Dr.Gaas ayaa la filaya in Maalinimada berri ah uu gaaro Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ka hor inta uusan Socdaal ku kala bixin Deegano kale oo hor leh.
Xafiiska Warfaafinta Musharax
Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas